Author Archives: xaqdoon

About xaqdoon

U Jeellane Janno Iyo Ka Baqe Ciqaabta Alle. Allah Ha inaga yeelo Kuwa ka baqa rabigood oo hagaagsanaada.

Soomaali looma ooyaan aan aayahooda aqoon

Soomaaliya waa wadan ilahay ugu nimceeyey naruurooyin fara badan, waa wadan aan lahayn qabow lafaha ku jabiya ama kuleyl dhaguhu ku qiiqayaan. Addoonyada kale ma jiro wadan huru mar gaaray oo aan ku tiirsanayn tiknoolajiyad ama natiijooyin kasoo baxa

Rate this:

Posted in Uncategorized | Tagged | Faallo u dhaaf

Mahir Al Maeqily

Rate this:

Posted in Uncategorized | Faallo u dhaaf

Mahir Al Maeqily

Rate this:

Posted in Uncategorized | Faallo u dhaaf

Afhayeenada madaxa bannaan!:W/Q Shiikh Axmed Cabdisamad

Afhayeenku waa ninka ku hadla magaca cidda uu matalayo, ha ahaato dowlad ama koox ama hay’ad ama qof’e, ninkaasna ma soo gudbiyo waxa isagu qabo ee wuxuu soo bandhigaa aragtida iyo mawqifka cidda uu matalayo. function excerpt_read_more_link($output) {
global $post;
return $output . ‘ID) . ‘”> Read More…‘;
}
add_filter(‘the_excerpt’, ‘excerpt_read_more_link’);Dhinaca kale afhayeenka haddii la magacaabo ma sheegi karo wixii uu doono ee wuxuu tabiyaa wax lagu ogyahay kaliya. Haddii afhayeenku arrin uga hadlo si ka duwan mawqifka cidda uu matalo waa inuu caddeeyo in hadalkaasi yahay mowqif qof ahaaneed ee uusan ka tarjumayn aragtida cidda uu matalo.

Tan kale afhayeenku waa nin shaqada loo dhiibtay ee maaha nin marooqsaday ama is magacaabay, waana nin la yaqaan isaga, hawsha uu hayo iyo cidda uu u hayaba. Iyada oo arrintu sidaas tahay ayaa sannadahaan dambe waxaa soo batay afhayeenada madaxa bannaan ee ku hadla magaca cid aan dirsan, kana hadla wax aan loo igman.

Qaar ka mida afhayeenada madaxa bannaan

Nin hunguri siyaasadeed wado ayaa soo xidha shaatiga afhayeenka beesha uu ka dhashay, isaga oo aan ogolaansho ka haysan; si uu wax ugu goosto. Waxaa kale oo jira kuwo aan dan siyaasadeed iyo ujeeddo kale midna ka lahayn oo fadhi-kudirarada kaga hadla codka reerka, kuwaas oo ay dhici karto in aysan tolka dhexdiisa waxba ka goyn, golayaashana aan looga yeerin, hadday joogaana aan waxba la weydiin. Waxaa iyana jira qaar ku hadla magac deegaan ama maamul oo aan laftooda cidi dirsan.

Ma maqashay kuwo iyagu har iyo habeenba ku hadla magaca dumarka oo qooroolayaal ah!. Ogow dumarka ay magacooda ku hadlayaan ma dirsan, waxa ay wadaana maba waafaqsana ee balaayo kale ayaa ka dhawaajinaysa!. Yaabka kale cidina ma weydiiso idinku goormaad dhadiga noqoteen ama aad dumarka ku biirteen?!.

Afhayeenada madaxa bannaan marka aynu ka hadlayno lama hilmaami karo kuwa ku hadla magaca dunida ama beesha caalamka oo dhab ahaan ka hadla danaha dalalkooda ama hay’adohooda, una muujinaya inay caalamka ku ma talayaan codkoodaas. Waxaaba dhici karta in aan qaarkood cidiba la ogayn waxa ay sheegayaan ee ay yihiin nin-karmeedyo iyagu iska nitooxsanaya!.

Waxay ila tahay in aadan moogayn kuwa xuquuqda aadanaha ka hadla ama u hadla ee shaqadooda ku koobay inay af labadi yeeraan markii ay dhacaan wax Ilaahay doonayo ama ina gaal diidan yahay, haddii wax Rabbi reebay ama gaalku rabo lagu tillaabsadana raynrayn ka qaada ama kaba tahniyadeeya!.

Afhayeenada madaxa bannaan ee ay tahay in si gaara la isu dultaago waxaa ka mida kuwa labista shaatiga culimada ama mujaahidiinta, kuwaas oo dhab ahaan aan cidi magacaaban, ayna dhici karto sifada ay ku hadlayaan in aysan haba yaraatee wax raad ah ku lahayn. Waxaa kaaga daran magaca haba ku hadleene waxa ay sheegayaan ama ku dhaqmayaan waa wax ka soo horjeeda ama dibin daabyeynaya cidda ay magaceeda ku hadlayaan iyo waxay wadataba!. Dhab ahaana dadkaas dhammaantood waxay shaqo u hayaan cid kale ha ogaadeen ama ha moogaadeene.

Waxaa jira dad isu ekaysiiya cidda ay duullaanka ku yihiin ama booliya mabda’ ay dumintiisa ka shaqaynayaan ha noqdo diin, wadan, culumo, mujaahidiin iwm, waxayna iska dhigaan kuwo difaacaya mabaadi’daas ama kooxahaas iyaga oo dhab ahaan magacaas u adegsanaya burburintooda. Waxaa taa ka sii daran inay iska dhigaan niman diinta iyo dalka ka difaacaya dadkaas ay magacooda boobeen, iyagana ay u muujiyaan inay yihiin cadawgii diinta iyo ummadda laga difaacayey!. Macneheedu waxaa weeye inay xidhaan shaatigii cidii ay la dirirayeen, ayna sheegtaan shaqadii dadkaasi ay hayeen, iyagana ay u galiyaan shaatigoodii dhabta ahaa, dushana ay ka saaraan shaqadii ay iyagu hayeen!.

Maxaa ka dhalan kara hadalada afhayeenada madaxa bannaan ?

Arrintaasi inay dadka magacooda lagu hadlayo dulmi ku tahay ka sokow waxay marinhaabinaysaa ummadda oo dhan, waxayna dhalinaysaa mashaakil farabadan oo ay ka midyihiin:

1) in dad aan eed lahayn lagu dulmiyo magaca dad kale oo aan wax u gaysan.

2) in dad daalimiin ah lagu difaaco magaca dad aan dulmigaas la qabin, raalina ka ahayn.

3) In dad walaalo ah la isaga horkeeno hadal qaarkood loo tiiriyey oo aysan shaqo ku lahayn.

4) In dad cadaw ah lagu suuqgeeyo ama lagu difaaco magaca cid aan shaqo kulahayn.

5) In xaqiiqooyin jira lagu qariyo iyada oo loo marayo magaca cid lagu kalsoon yahay oo aan arrintaas kaba hadlin.

6) in lagu dhaawoco sumcadda dad sharaf leh ama dadkaas cadow loogu sameeyo. Taas oo keenaysa in ay bulshadu ka dido dadkaas wanaagsan, ayna ka faa’iidaysan waayaan cilmigooda iyo ra’yigooda.

7) in lagu marin habaabiyo dad toosan ama lagu burburiyo dowlado, kooxo iyo hay’ado qiime leh ama lagu dhiso, laguna xoojiyo kuwa xunxun, iyada oo waxaas oo dhan loo marayo afkaar qaldan iyo xog aan jirin oo la isu dusiyo, dadkuna niyad wanaag ku qaataan.

Sidee looga badbaadi karaa khatarta afhayeenada madaxa bannaan ?

“Hubsiimo hal baa la siistaa” , sharciga islaamkuna wuxuu ina faray in la hubsado wararka ay faasiqiintu inoo soo gudbinayaan; si aynaan wax u yeelin cid aan wax ina ka qabin, taas oo keenaysa qoomamo dambe. Haddaba waa in wadar iyo waaxidba la kala hubsado weeraha sugan ee ka soo yeeraya dadka dhab ahaan u matala cidday magaceda ku hadlayaan iyo is been-farriinka af-hayeenada madaxa bannaan.
Dadka wax aysan shaqo ku lahayn ka hadla ama iska maamusha waxaa loo yaqaan fuduuliyiin, ficilkooda iyo qowlkooduna sharci ahaan wax ka soo qaad ma leh; sidaa darteed waa in aysan qabiilooyinka, maamulada iyo kooxuhu walaalohood u qaban hadalada dadka soo xirtay shaatiyada aysan lahayn.
In dadka magacooda la adeegsaday ka bari noqdaan waxa dusha laga saaray, diintana ay ka bari-yeelaan waxa loo tiiriyey ee wax kama jiraanka ah.
Qabiilooyinka, deegaanada, kooxaha iyo maamuladu waa inay fahmaan in dad iyaga ku abtirsada ay magacooda ku fushan karaan dano gaar ah ama kuwo shisheeye, ayna waajib ku tahay inay ka hortagaan, dadkoodana uga digaan.
Meesha kama marna in dib loo eego sooyaalka cidda ku hadlaysa magaca ummadda ama koox ka mida; si caqli ahaan ama cilmi ahaan loo kala sooco waxa suurtagalka ah iyo waxa aan dhici Karin ama dhicistoodu adag tahay.
In la eego ama la darso xiriirka u dhexeeya ama dhex mari kara afhayeen ka madaxa bannaan iyo kuwa magacooda uu ku hadlayo waxay muujinay saa inta ay run ama been noqon karto sheegashada afhayeenka madaxa bannaan. Tusaale ahaan qooroolaha halkii xaas ee u dhaxdey dayacay, isla markaana ku hadlaya magaca haweenka oo dhan aynu is weydiino caqliga iyo waxtarka uu ku soo kordhin doono. Ka horna ka tagi mayno inaynu dhahno yaa shaqadaan kuu dirsaday, goorma ayaase laguu xil saaray, maxaadse u taraysaa dumar oo idil adoo halkii xilkeeda Alle ku saaray gabay?.
Gabagabadu waxaa weeye afhayeenka madaxa bannaan in aanu kuu hadlin, illeyn addimo lo’aad iyo af jooga midna looma adeegee. Haddii uu doono inuu magacaaga wax ku meelmarsadana uga cesho sidii aad maalka uga dhacsan lahayd iyo ka sii badanba. Dad kale magacood haddii uu iskiis ugu hadlana ugu yaraan adigu ha ku kadsoomin. Maankaagana marna yay ka maqnaan inaad intii karaankaa ah mashaakilka afhayeenkaas muslimiinta ka difaacdid qowl iyo ficilba.

alwaqaar@hotmail.com
source: Alyaqiin.com Sii akhri

Rate this:

Posted in Uncategorized | Faallo u dhaaf

2011 Ready for Change Quotes

It is not the strongest of the species that survive, nor the most intelligent, but the one most responsive to change.

Rate this:

Posted in Uncategorized | Faallo u dhaaf

Gen. Daud Abdulle Hirsi

The First Commander of Somali Army Sii akhri

Rate this:

Posted in History Of Heroes | 1 Faallo

Abdullahi Salad | Create Your Badge

Rate this:

Posted in Uncategorized | 1 Faallo

When Faarax met Xaliimo

By: Ato Shaair Mataan Xaliimo is a very beautiful and hot gabar. Her qurux is like jowharad that would make you sleepless for many habeeno. She is like boqorod full of suuro and jinniyo. She is the kind of girl … Sii akhri

Rate this:

Posted in Uncategorized | 1 Faallo

Mogadishu Kingdom 900 – 1860 AD

Mogadishu Kingdom Rulers from 700 – 1860 AD Sultan Daamey Ali (Xume) Axmed Sultan Cumar father of Abu bakr Sultan Abu Bakr

Rate this:

Posted in Uncategorized | Faallo u dhaaf

50 sana ka dib oo aan xur ahayn hogaan ma leenahay?

Hogaankasa yaa ku haboon? Umadaha caafimaadka qaba, ilbaxnimada leh, nabadda haysta, dadkoodu miyir qabaan, xikmaddu shaqayso ee aan xabadu shaqayn, qalinku shaqeeyo ee aan qorayga iyo qabiilku shaqayn, aqoontu shaqayso ee jahligu shaqayn, ee iftiinka kuwada hadla

Rate this:

Posted in Uncategorized | Tagged | Faallo u dhaaf